Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay askartii Uganda uga dhimatay shilkii diyaaradeed
Jul 03 (Jowhar)Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay askartii Uganda uga geeriyootay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda kadib shilkii nasiib darrada ahaa ee diyaaradda helikobtarka UPDF oo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka DFS.
“Geesiyaashii ku naf waayey shilkaas waxay muujiyeen geesinimo iyo go’aan adkeysi leh, taasoo markhaati u ah kaalinta muhiimka ah ee Uganda ka qaadanayso taageeridda safarka Soomaaliya ee ku wajahan horumar iyo barwaaqo” ayey warka dowladda Soomaaliya kusii dartay.
Shilkaasi waxaa ku naf waayay Shan askari oo Uganda ah, halka Saddex kale ay dhaawacyp culus kasoo gaareen, Kadib markii diyaarad Helicopter ah oo ka timid Balidoogle ay kusoo dhacday garoonka Muqdisho.