jen. Muungaab oo gudoomiye cusub u magacaabay degmada Kaxda
Jul 02 (Jowhar)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jeneraal Muungaab) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdiwali Xasan Nuur.
Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ayuu gudoomiyaha cusub ee degmadaasi u magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo kamid ahaa dhalinyarada ugu fir furcoon ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Kaxda in uu dardargeliyo howlaha shaqo ee loo idmaday.
Ninka loosoo magacaabay xilka gudoomiyaha cusub ee degmada Kaxda ayaa ahaa gudoomiyaha dallada waxbarashada FPENS.
Saddex bil oo kaliya ayuu xilkan hayay Cabdi wali oo ah ninka xilka laga qaaday.