Shirkii dowladda iyo mucaaradka oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday
Jul 03 (Jowhar) Ilo ku dhow dhow shirka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Madasha Samata Bixinta ayaa la xaqiijiyay in la isku mari waayay mid ka mid ah afartii qodob ee ajandaha ahaa.
Xubnaha Madasha ayaa soo jeediyay in cutubka afaraad ee wax ka bedelka Dastuurka in laga laabto oo sidii hore lagu celiyo, qodobkan ayaa ahaa mid dood culus dhaliyay, oo sababi gaaray in shirka lagu kala tago, hase ahaatee la isla gartay in dib la isugu soo laabto oo dhinacyadu ay soo wada tashtaan.
Mucaaradka ayaa doonaya in gebi ahaanba qodobkaas meesha laga saaro, oo lagu celiyo sidii uu awal ahaa in Madaxweynaha ku yimaado doorasho Baarlamaan, halka wax ka bedelkii Dastuurka laga dhigay in Madaxweynaha ay shacabka soo doortaan.