Gudoomiyaha Sh.hoose oo howlgal ka wada furimaha Sabiid iyo Caanoole

Jun 24 (Jowhar)-Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibrahim Aadan Ali Najah oo Maalmahan Hogaaminayay Howlgalada Ka dhanka ah Shabaab ayaa gaaray Jiida hore ee Deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Degmada Afgooye.

Gudoomiyaha oo ay Deegaanka Kusoo dhaweeyeen, Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna Duqa Magalaada, Gudoomiyaha Deegaanka iyo Saraakiiisha Xooga Dalka ayaa Deegaanka u yimid ka jawaabista Xaaladahada ka jira Deegaanka ee ka dhashay Dagaalka Khawaariijta looga saaray Deegaanka.

Gudoomiye Najah oo Kormeeray Difaacyada Ciidamada ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS isagoona ku Wareejiyay Sedax Xalaad oo Geel ah oo loogu talagalay Dhiiragelinta Ciidamada Difaaca Kujira.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Awoodiisa igu Badan ku bixin doona Xureynta Deegaanada ay ku Dhuumaaleystaan Argagaxisada iyo Dhib u dhiska Xarumaha ay Burburiyeen Khawaariijta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More