Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidamada deegaanka Burjeed

Jun 23 (Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha weerar culus oo kooxda Shabaab saaka ay ku qaaday fariisimo ciidanka maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo.

Weerarka oo ahaa mid ku bilowday qaraxyo ayey kooxdu ku damacsaneyd iney ku qabsato deegaanka, balae ciidanka oo la sheegay iney feejigni kusii jireen  ayaa iska difaacay, waxaana jira khasaare kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidammada ee ku sugan duleedka Baydhabo ayaa sheegay in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan maleeshiyaadkaasi oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Xaaladda deegaanka deegaanka Burjeed ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa haatan ah mid dagan, saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Koofur Galbeed ayaa la filayaa iney warbaahinta usoo bandhigaan khasaaraha Shabaab lagu gaatsiiyay weerarkan.

Si akstaba, Bishii April 17-keeda ayay sidaan oo kale kooxda Shabaab u beegsatay isla goobtan wallow la sheegay in la iska caabiyay gulufkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More