Dowlada Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Iran ku qaaday Qatar
Jun 24 (Jowhar)-Dowlada Soomaalya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay si adag u cambaareyneyso weerarkii ay Iiraan ku qaaday dalka Qadar,iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub cad oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah isla markaana halis weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa midnimo buuxda iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Dawladda Qadar, waxayna mar kale adkaynaysaa taageerada aan leexleexadka lahayn ee ay u hayso madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee Qadar.”ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.
Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya