Iran oo weerar gantaallo ah ku qaaday dalka Qatar
June 23 (Jowhar)-Iran ayaa sheegtay in ay weerar ku qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga ciidamada cirka ee Al Udeid, hase yeeshee dowlada Qatar ayaa sheegtay in difaaceeda cirka ay ku guulaysteen inay fashiliyaan weerarkii lagu qaaday xaruntaas.
Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in saldhiga lagu weeraray gantaalada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe ee Iran; ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in Iran ay billowday jawaabteeda ku aaddan weerarada Mareykanka.
Wakaaladda Tasnim ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada kacaanka Iran ay gantaallo ku garaaceen saldhigyada Mareykanka ee Qatar iyo Ciraaq.
Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Al-Udeid.
Majed al-Ansari, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri: “Waxaan u aragnaa arrintan inay tahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida Dawladda Qatar, hawadeeda, sharciga caalamiga ah, iyo axdiga Qaramada Midoobay.”
Waxa uu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Qatar ay si guul ah u fashiliyeen weerarka ayna ka hortageen gantaallada Iran.