Qalab sheegaya kuwa dambiyada kasoo galay Caalamka oo lagu rakibay Garoonka Aadan Cade

Jun 30 (Jowhar) Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Miqdisho waxaa lagu rakibay PISCES oo ah qalab sheegaya dadka danbiyada kasoo gala caalamka ee yimaada Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu yaboohday qalabkan, iyadoo sidoo kale tababartay saraakiishii ku shaqeyn leheyd.

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo ka hadlayay muhiimadda qalabkan cusub ayaa sheegay iney qeyb ka tahay kahor-tagga kooxaha argagixisada ah ee dalka sida dhuumaaleysiga ah kusoo galo.

“Barnaamijka waa la rakibay waa la tijaabiyey, waana lagu guuleystay, wuxuu u saamaxayaa Soomaaliya inay qayb ka tahay socdaalka adduunka, dadka soo galaya iyo dadka ka baxayana in Soomaaliya heli karto xogtooda, lana aamini karo haya’addeena Socdalka lana jaanqaadi karno hay’addaha socdaalka ee adduunka inteeda kale” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow

Inkabadan 20 dal ayaa isticmaala haatan nidaamkan PISCES oo lagu ogaanayo hadii ay soo galaan dalka kuwa dambiyo ka galay wadamadooda sida Kooxaha Argagexisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More