Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Xildhibaan Samakaab Xuseen

Jun 30 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Xildhibaanka uga mahadceliyey booqashada uu ku yimid dalkiisa hooyo, isaga ku ammaanay qurbajoogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaadanayaan horumarrada ka jira waddamada ay joogaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, siyaasadda iyo ka faa’iideysiga fursadaha kala duwan ee ka jira dalalkaas.

Mudane Samakaab ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa soo dhoweynta loo sameeyay markii uu yimid Muqdisho waxana uu xusay in fikradii uu ka haystay caasimada Soomaaliya ay ka duwan tahay xaalada uu hadda ku arkay indhihiisa.

Xildhibaan Samakaab Xuseen ayaa ah siyaasi Maraykan ah oo ka tirsanaa Aqalka Wakiilada ee Minnesota ilaa 2023.Waa Xubin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor Party (DFL), Hussein wuxuu matalaa Degmada 65A ee Magaalooyinka Mataanaha, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah magaalada Saint Paul ee Gobolka Ramsey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More