Israel oo 20 Falastiiniyiin ah ku dishay duqeyn ay ka geysatay Gaza

Jul 01 (Jowhar) Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israel ay ku garaacday goob caan ah oo xeebta ku taal oo ay inta badan isticmaalaan dhaqdhaqaaqayaasha, saxafiyiinta, iyo dadka deegaanka ee galbeedka Gaza Isniintii, sida ay sheegeen dhakhaatiir iyo dad goob joogayaal ah.

Kooxaha gurmadka ayaa 20 mayd ah iyo daraasiin dhaawac ah ka soo daadgureeyay maqaaxida Al-Baqa, oo ah meel ka kooban teendhooyin ku teedsan xeebta, sida uu BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay difaaca rayidka ee Xamaas ee Gaza.

Waxa uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka degdegga ah ay weli baarayaan god dheer oo uu qaraxa kaga tagay.

“Waxaan ku sii socday maqaaxida si aan internetka uga isticmaalo meel dhowr mitir u jirta, markii uu qarax weyn dhacay,” ayuu yiri Caziz Al-Afifi, oo ah sawirqaade ka tirsan shirkad wax soo saar oo maxalli ah, oo la hadlay BBC.

Muuqaallo ay dadka u ololeeya arrimaha bani’aadannimada soo dhigeen baraha bulshada ayaa u muuqday kuwa muujinaya xilliga gantaal la sheegay in laga soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil, uu ku dhacay goobta.

Muuqaallo laga soo duubay weerarka kadib, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin dhulka.

Maqaaxida Al-Baqa waxay noqotay meel caan ah oo loogu talagalay suxufiyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha, iyo shaqaalaha, oo bixisa adeeg internet, fadhi iyo goob shaqo oo ku teedsan xeebta Mediterranean-ka Gaza.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militariga Israel.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay xalay saqdii dhexe duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay Marinka Qaza, taasoo keentay in boqollaal qoys oo Falastiiniyiin ah ay barakacaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More