Jarmalka oo u yeeray safiirka Iran ee dalkeeda
Jul 01 (Jowhar)-Dowlada Jarmalka ayaa u yeertay safiirka Iran ee dalkeeda sababo la xiriira hawlo basaasnimo ah ka dib markii ay masuuliyiintu xireen muwaadin ajanabi ah oo ururinayey xogo sirdoon oo ka dhan ah Yuhuuda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in loo yeeray ergeyga Iran Majid Nili Ahmadabadi si uu loogu muujiyo walaaca xooggan ee Jarmalku ka qabo arrintan, taasoo sii xumaynaysa xiriirka Berlin iyo Tehran.
“Haddii eedeymahan ay run noqdaan, waxay noqon doontaa fal aad looga xumaado oo mar kale muujin doona in Iran ay khatar ku tahay Yuhuudda caalamka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Johann Wadephul mar uu booqday macbad ku yaalla magaalada dekedda leh ee Odessa ee Ukraine.
Dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa maanta ku dhawaaqay in muwaadin Danish ah la xiray ka dib markii ay baarayaashu ogaadeen inuu ururinayey macluumaad ku saabsan goobaha Yuhuuda iyo shakhsiyaad gaar ah oo Yuhuudi ah oo ku sugan Berlin isagoo wakiil ka ah urur sirdoon oo Iran ah.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Ali S., ayaa lagu xiray magaalada Aarhus ee dalka Denmark, kadib markii amar lagu soo xirayo ay soo saareen mas’uuliyiinta Jarmalka.
Waxaa la sheegay in ninkan loo wareejinayo dalka Jarmalka si uu u horyimaado xaakimka dambi baarista ee Maxkamadda Federaalka Cadaaladda.
Maamulka Jarmalka ayaa sheegay in baaritaanku uu ka yimid xog ay bixisay BfV, oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee Jarmalka.