Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ka bilaabatay diiwaan gelinta dadweynaha ee doorashada
Jul 03 (Jowhar) Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa maanta iska diiwaan geliyay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo si rasmi uga bilaabatay is-diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada golayaasha deegaanka ee la qorsheynayo inay ka dhacaan deegaano ka tirsan maamuladaas.
Mas’uuliyiinta labada maamul iyo boqolaal shacab ayaa maanta safaf u galay is-diiwaan gelinta doorashada qof iyo codka ee golayaasha deegaanka.
Magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayay horay uga bilaabatay diiwaan gelinta dadweynaha ee doorashada golayaasha deegaanka.