Dagaal u dhexeeya Macwuusleyda Hiiraan iyo Shabaab oo ka socda duleedka Moqokori

Jul 05 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal culus oo u dhaxeeyo Macawisleyda Xawaadle iyo Kooxda Shabaab, kaasoo saaka ka bilowday deegaano ku dhaw degmada Moqokari ee Gobolka Hiiraan.

Sida wararku tilmaamayaan, Macawisleyda ayaa weerar ku qaaday fariisimaha Shabaab  ee deegaanada Gumarre ilaa Ceel qooxle, halkaasoo ay ka wadeen is uruursi ay ku damacsanaayeen iney weeraro ku qoraheeyaan.

Saraakiil ciidan iyo dad goob joogayaal ah ayaa kusoo waramaya inDagaalku wali uu socdo, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Macwuusleyda gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah Shabaab, iyagoo ka feejigan in kooxdan ay culeys soo saarto degmada Moqokori oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee laga abaabulo gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More