Madasha Samata-bixinta iyo beesha Caalamka oo shir uga furmay Xalane

Jul 05 (Jowhar)-Xubnaha Ergada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa goordhow shir uga furmay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa yimid kaddib laba maalin kulankii dhexmaray Madaxda Mucaaridka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo aan wax heshiis ah ka gaarin ajandayaashii ay ka doodayeen.

Sida aan ogaanay Madasha Samatabixinta ayaa Beesha Caalamka hordhigaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh aysan dhab ka ahayn in si rasmi looga heshiiyo qodobada la isku hayo, qorshihiisuna yahay iibsiga waqtiga iyo ku socoshada doonistiisa gaarka ah.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh gelinaysa in dhinacyada Soomaalidu heshiis wadar ogol ah gaaraan ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More