Maraykanka oo ka taageeraya Ukraine difaaca hawada

Jul 04 (Jowhar)- Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu wadahadal muhiim ah uu la yeeshay madaxweyne Donald Trump, ayna isku waafaqeen ka shaqeynta kordhinta difaaca ee weerarada dhanka cirka.

Labada hogaamiye waxay wadahadal ku yeesheen taleefanka, xilli duqeyn culus ay ciidamada Ruushka ku qaadeen magaalooyin badan oo ku yaal dalka Ukraine.

Waa markii ugu horreysay ee ay wadahadlaan tan iyo intii Washington ay ku dhawaaqday horaantii asbuucan inay joojinayso gaarsiinta qayb ka mid ah hubka. Waxaa la sheegay inay saamaynayso nidaamka batariyada difaaca hawada ee Patriot.

Ukraine ayaa ka codsatay Washington inay ka iibiso gantaalo badan oo Patriot iyo nidaamyada ay u aragto inay fure u yihiin inay ka difaacaan magaalooyinkeeda inay sii xoojiyaan duqeymaha cirka ee Ruushka.

Go’aanka Washington ay ku joojisay qaar ka mid ah shixnadaha hubka ee Ukraine ayaa keenay digniinta Kyiv ee ah in tallaabadani ay wiiqi doonto awoodda ay u leedahay inay ka difaacdo weerarrada cirka ee Ruushka iyo horumarka dagaalka.

Jarmalku wuxuu sheegay inuu ku jiro wadahadal ku saabsan iibsashada nidaamyada difaaca hawada ee Patriot si loo xakameeyo farqiga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More