Dowladda Soomaaliya oo magacowday gudi ka shaqeeya dhameystirka dhismaha SSC Khatumo

Jul 05 (Jowhar)Guddi farsamo oo ka kooban 8 xubnood ayay Wasaaradda Arrimaga Gudaha Soomaaliya u magacawday dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha-gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa wareegto uusoo saaray ku magacaabay guddigan.

Sida warqada ku cad, Guddiga waxa ku jira xubno ka socda gobolka Sanaag, tan oo ka dhigan in DFS ay gobolka Sanaag ku darayso SSCKhaatumo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More