Wasiirka Gaadiidka Ruushka oo is-dilay kadib markii xilka laga qaaday

Jul 08 (Jowhar) Wasiirkii Gaadiidka Ruushka Roman Starovoit ayaa laga helay meydkiisa gaari uu watay, waxaana ku taalay xabad, halka meydkiisa laga helay waxaa ag yaalay Bistooladiisa, taasoo loo maleynayo inuu isku dilay.

Dhimashadiisa ayaa timid saacado kadib markii madaxweynaha Ruushka uu xilka wasiir ka qaaday sababo la xiriira eedo musuq maasuq iyo lunsashada $246 milyan oo dollar.

Sanad kaliya ayuu xilkan hayay, xilka ka hor wuxuu ahaa gudoomiyaha gobolka Kursk ee dhaca xadka dhanka Ukraine.

Booliiska ayaa sheegay in baaritaan hordhac ah uu muujinayo in Starovoit uu la kulmay cadaadis weyn tan iyo markii uu xilka la wareegay, gaar ahaan kadib markii la bilaabay baaritaano la xiriira musuqmaasuqa lagu eedeeyay. Ilo ku dhow dhow qoyska Starovoit ayaa warbaahinta u sheegay in maalmahan uu dareemayay cabsi iyo niyad jab xooggan, isla markaana uu ka baqayay in maxkamad la soo taago.

Dowladda Ruushka weli si rasmi ah uma shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee dhimashadiisa, balse warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in booliiska ay sii wadaan baaritaanka si loo xaqiijiyo in Starovoit isagu is dilay iyo in ay jirto tuhun kale oo la xiriira dil qorsheysan.

Meydka Starovoit ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Moscow, iyadoo qoyska iyo saraakiil dowladda ka tirsan ay ka qeyb gali doonaan aaska. Dhacdadan ayaa sii xoojisay tuhunka iyo hadal haynta ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka Ruushka, gaar ahaan cadaadiska la sheegay in lagu hayo mas’uuliyiinta lagu tuhmayo musuqmaasuqa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More