Trump iyo Zelensky oo ka hadlaya taageerada hubka xilli ay sii kordhayaan weerarada Ruushka
July 06 (Jowhar)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu kala hadlay difaaca hawada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyagoo ku heshiiyey in kor loo qaado awoodda Kyiv ee “difaaca cirka” xilli ay sii kordhayaan weerarada Ruushka.
Bogiisa Telegram-ka, waxa uu xusay in ay sidoo kale ka wadahadleen wax-soo-saarka difaaca wadajirka ah, oo ay weheliyaan iibsi iyo maalgashi iskaashi oo ay la yeeshaan hoggaamiyaha Maraykanka.
Ukraine waxay ku boorinaysay Washington inay bixiso gantaalada Patriot iyo nidaamyada dheeraadka ah, kuwaas oo ay u aragto inay muhiim u tahay ilaalinta magaalooyinkeeda inay sii xoojiyaan weerarada cirka ee Ruushka.
Go’aanka uu Maraykanku ku hakiyay hubka qaar ee loo dirayay dalka Ukraine ayaa keenay digniino ka soo baxay Kyiv,iyaga oo sheegay in tani ay hoos u dhigi karto awoodda ay u leedahay inay iska difaacdo duqeymaha diyaaradaha Ruushka iyo horusocodka dagaalka.
Wadahadalkan ayaa dhacay maalin kadib markii Mr. Trump uu sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Ka dib wadahadalkii Mr. Trump uu la yeeshay Putin shalay, Ruushku wuxuu qaaday weerarkii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka Kyiv, oo lala beegsaday caasimadda.
Mr. Zelensky waxa uu weerarka ku tilmaamay mid si daba dheer oo awoodiisa aay u balaran tahay.