Qaasim Furdug oo loo doortay guddoomiyaha ahna duqa degmada Balcad

Jul 06 (Jowhar)-Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabatay Doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenada Degmada Balcad.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmadaasi ayaa Gudoomiyaha Degmada Balcad ahna Duqa magaalada u doortay Qaasim Cali Nuur halka Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad loo doortay Mudane Ismaaciil Barre Nuur Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Degmada ayaa sidoo kale loo doortay Axmed Maxamed Cabdullahi.

Munaasabada Doorashada waxaa Goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabeelle mudane Abdi Dahir Guure Karoore , Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mohamud Ahmed Gacal , Wasiiro iyo Xidlhibaano Ka tirsan Dowladda Hirshabeelle,Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka shabeelaha dhexe, Duqa Degmada Warsheekh Nabadoono, Waxgaradka Degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Balcad.

Wasiir Abdi Dahir Gurre Karoore ayaa doorashada kadib Bulshada reer Balcad uga mahadceliyay garab istaagoodii ku aadanaa mudadii ay socotay geedi socodka dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balcad sidoo kale Maamulka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Cabdi Dahir Guure Karoore ayaa Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Balcad u Magacaabay Cabdixakiin Xuseen Isloow .

Si kasta ha ahaatee Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Balcad oo deegaan doorashadiisu ay tahay degmada Balcad ayaa si adag uga falceliyay doorashada dadban ee lagu qabtay degmada Balcad ee ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imanaysa hannaanka sharciyeed iyo nidaamka federaalka ee dalka.Somalia.

Qoraal uu kusoo qoray baraha bulshada, ayuu wasiiru dowluhu ku sheegay in doorashadan ay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo xeerarkii ay ansixiyeen golayaasha qaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More