Wasiir Cali Balcad oo kahor-yimid doorashada dadban ee lagu qabtay degmada Balcad

Jul 06 (Jowhar) Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa si adag uga falceliyay doorashada dadban ee lagu qabtay degmada Balcad ee ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imanaysa hannaanka sharciyeed iyo nidaamka federaalka ee dalka.

Qoraal uu kusoo qoray baraha bulshada, ayuu wasiiru dowluhu ku sheegay in doorashadan ay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo xeerarkii ay ansixiyeen golayaasha qaran.

Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe in uu doorbiday qabashada doorasho wakhtigeedii dhammaaday, halkii uu xoogga saari lahaa diyaarinta doorasho heshiis lagu yahay.

Wasiirku waxa uu tusaale u soo qaatay madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda si buuxda ugu hawlan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isagoo ugu baaqay Cali Guudlaawe in uu ka fogaado tallaabooyin abuuri kara khilaaf iyo iska hor imaad beeleed, una horseedi kara xasilooni darro deegaannada nabadda ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More