Maxkamadda ICC oo amartay in lasoo xiro hogaamiyayaasha Taalibaan
Jul 09 (Jowhar) Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah madaxda sare ee ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay tacadiyo u geystaan haweenka iyo gabdhaha dalka Afgaanistaan.
Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa xaqiijisay “sababo macquul ah” oo lagu aamini karo in hogaamiyaha ugu sareeya Hibatullah Akhundzada iyo madaxa cadaalada Abdul Hakim Haqqani ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyagoo si xun ula dhaqmaya haweenka iyo gabdhaha tan iyo markii ay xukunka ay la wareegeen 2021.
Taalibaan oo ka jawaabaysa waxa ay ku dhawaaqday in aanay aqoonsanayn Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada,iyaga oo ku sifeeyay waaranka qabashada mid “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loo geysanayo caqiidada Muslimiinta caalamka”.