Dowladda Soomaaliya oo fasaxday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo iyo Nairobi
Jul 09 (Jowhar) Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaaday xayiraaddii saarneyd duulimaadyada tooska ah ee ku wajahnaa Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah xafiisyada socdaalka, waxaa hadda la oggolaaday in ay dib u bilaabmaan duulimaadyada tooska ah ee u dhexeeya magaalada Nairobi iyo Kismaayo iyo midkii Kismaayo iyo Dhoobley.
Arrintan ayaa noqon karta fursad horseeda isu soo dhawaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, iyadoo horey Jubbaland ay si joogto ah ugu eedeyn jirtay dowladda dhexe in ay cunaqabatayn ku hayso dhanka duullimaadyada iyo isu socodka.
Go’aanka lagu fasaxay duullimaadyada tooska ah wuxuu calaamad u noqon karaa yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeya.