Wadahadal u bilowday Masar iyo Eritrea kaddib Booqashadii Madaxweyne Xasan ee Qaahira
Jul 11 (Jowhar)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea ayaa Khamiistii yeeshay wada-hadal telefoon ah, xilli uu hakad ku yimid wadahadalladii u socday Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista ay u qabaan xoojinta xiriirkooda iyo iskaashi dhow oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka.
Wadahadalkan ayaa kusoo aaday ayadoo dhawaan magaalada El Alamein ee dalka Masar uu kulan ku dhexmaray Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Soomaaliya,
Hassan Sheikh Mohamud, halkaas oo El-Sisi uu ballan qaaday taageero ciidan iyo in Masar ay sii adkeyn doonto daneynteeda ku aaddan amniga Badda Cas, xilli ay Itoobiya si cad u muujisay daneynteeda ah in ay hesho marin u gaar ah Badda Cas.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in bishii Oktoobar 2024, ay Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya yeesheen shir madaxeed ka dhacay Asmara, kaas oo lagu adkeeyay iskaashiga amni ee saddex geesoodka ah, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.