Browsing Category
NEWS
NEWS
C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay sababaha soo noqnoqoshada abaaraha.
June 21 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta ka qeybgalay kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha…
Gudoomiyaha golaha shacabka oo si kulul uga hadlay heshiiska dib loogu fasaxayo Qaadka Kenya.
June 21 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka hadlay heshiiska la filayo in 5-ta bisha soo socota ee Luulyo ay kala saxiixdaan…
Afar kamida Kooxdii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirtay Boosaaso oo dil toogasho lagu xukumay.
June 21 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ay xukun dil ah ku riday Afar kamid ah…
Rooble oo kulankiisii u danbeeyay ee golaha wasiirada gudoomiyay.
June 21 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
Deni iyo Karaash oo heshiis hordhaca ah ka gaaray khilaafkooda.
June 21 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo kuxigeenkiis Axmed Karaash ayaa kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Garoowe, iyagoo ka wada hadlay xal u helista khilaafkooda.
Wararkii u danbeeyay qarax lagu weeraray xarun caafimaad oo ku taala duleedka Muqdisho.
June 21 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo xalay ka dhacay deegaankaTabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaas uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Mas’uul ka tirsan xisbiga UCID oo lagu dilay magaalada Laascaanood.
June 21 (Jowhar.com)-wararka naga soo gaarayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Xisbiga UCID Maxamed Aflahaar.
In ka badan 100 qof oo lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya
June 20 (Jowhar.com)- Inka badan 100 ruux oo u badan qowmiyadda Axmaarada ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia oo warqadaha aqoonsiga laga gudoomay
June 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.
C/raxmaan C/shakuur iyo kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobe oo tegay xerooyin ku yaala Doolow.
June 20 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Amar la duldhigay dadka leh Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka Muqdisho.
June 20 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da…
C/raxmaan C/shakuuur oo gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
June 20 (Jowhar.com)-Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame oo ah ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa goordhow gaaray Degmada Doolow ee Gobalka Gedo, waxaana socdaalkan ku…
Mucaaradka Somaliland oo sameystay ciidan hubeysan iyo cabsi laga qabo dagaal.
June 20 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay inuu jabiyay sharciga, qaadayna talaabooyin wax u dhimaya dastuurka…
Madaxweyne Deni oo sheegay inaan lagala tashan magacaabista ra’iisul wasaare Xamse.
June 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu kala tashan magacaabista ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Xamse Cabdi Barre oo ka soo jeeda deegaanada Jubaland.
Emmanuel Macron oo qarka u saaran inuu lumiyo aqlabiyadda Baarlamaanka
June 20 (Jowhar.com)-Isbaheysiga dhexe ee madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la saadaalinayaa inuu ku guuleysto inta u dhexeysa 200 iyo 250 kursi, oo ah tiro ka yar 289ka kursi ee looga baahan yahay inay si toos ah u helaan…
Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Abu Dhabi.
June 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.