Bandow lagu soo rogay magaalada Los Angeles

Jun 11(Jowhar) Qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo shantii maalmood ee la soo dahaafay marti u noqotay dibadbaxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dad ka soo horjeeda siyaasadaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump ayaa la geliyey Bandow soconaya 8-da fiidnimo illaa 6-da subaxnimo.

Mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Los Angeles dadka teleefoonada isticmaala u diray farriin lagu ogeysiinayo in magalada lagu soo rogey bandow islamarkaana la xiddiday dhaqdhaqaaqa habeenkii, marka laga reebo dadka shaqada u socda iyo kuwa xaaladaha degdegga qabsadaan.

Duqa magaalada Los Angels Karen Bass ayaa ku dhawaaqday in badowgu saameynayo dhul baaxadiisu dhan tahay 1 mile oo isku wareegga, waxaana goobaha bartilmaameedka ah ka mid faras magaalaha Los Angels inta u dhexeysa 8pm illaa 6am.

Dhinaca kale Karen Bass ayaa maanta xiriir la sameysay madaxweyne Trump oo ay u sheegtay in uu joojiyo ciidamada ICE ee uu magaalada ku soo daldalayo, ku waas oo ay sheegtay in joogitankoodu qalqal ku hayo magaladeeda. Dadweynah magalada ayaa aad ula fajacay in la xayiro socsocodkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More