Puntland oo war kasoo saartay tacadiga loo geystay ganacsatada kasoo jeeda Koofur Galbeed ee xir xiran

Jun 11 (Jowhar) Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Faysal Cabdullaahi Sheikh (Jifojabsade) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha la xiriira in ganacsato kasoo jeeda Koofur Galbeed tacadi iyo xarrig loogu geystay Gaalkacyo kuwaas oo baraha bulshada kasoo muuqday iyagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran.

“Nimanka xir-xiran ee aad aragteen iyagaa is xir-xiray oo sawirro intey iska qaadeen reerohooda Whatsupka ugu diray si ay reerahooda usoo bixiyaan Diyo 19 sano laga sugayay oo magta loo soo dadajiyo, hadda ayaan sii deyneynaa kaliya magtii baa laga rabaa.”

Waxa uu sheegay inuusan maamulkiisa raali ka aheyn in dad kasoo jeeda deegaano kale lagu dhibaateeyo magaalada Gaalkacyo, wuxuuse arrintan kusifeeyay iney tahay mid ka dhaceysa dadka wax laga dilay iyo reerka dilka loo heysto oo ay ku heshiiyeen iney ficilkani ku dhaqaaqaan.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa arrintan ka hadlay ayaga oo u jeediyay maamulka Koonfur Galbeed inay hawshan si degdeg ah wax uga qabtaan.

Baraha bulshada ayaa shalay si aad ah looga hadal hayay falkan, iyadoo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More