Ciidanka Puntland oo Daacish furimaha kasoo cararay ku qabatay magaalada Boosaaso

Screenshot

Jun 11(Jowhar) Ciidamada Amniga Puntland oo hawlgallo ka wada magaalada Boosaaso ayaa qabtay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka soo cararay togga Baallade.

Howlgalada oo labadii cisho ee ina dhaaftay si xowli ah u socday ayaa laga sameeyay xaafadaha magaalada Boosaaso, iyadoo ciidamada ay adkeeyeen kontorookada laga soo galo xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Ciidanadda oo haya xogo amni oo sheegaya iney firxadkii Daacish gudaha usoo galeen magaalada ayaa galayay hoteelada iyo guryaha qaar oo ay ku tuhnayaan iney dad cusub soo dageen.

Howlgaladan ayaa kusoo beegmaya xili ciidanka Puntland ay dhul balaaran ka saareen kooxda Daacish oo inta badan buuraha Galgala ay gacantooda soo gashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More