Kenya oo laba Shabaab qaraxyo aasayay ku dishay magaalada Mandheera

Jun 11(Jowhar)Ciidamada la dagaalanka argagixisada Kenya ayaa labo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay weerar dhabba-gal ah oo ka dhacay deegaanka Mandheera.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen ciidanka, iyadoo laga duulayo xog sirdoon, habeen hore abaare saqda dhexe howlgal waxey fuliyeen Mandheera, halkaas oo ay ku beegsadeen maleeshiyaadkan oo qorsheynayay weerar.

Maleeshiyaadka la bartilmaameedsaday ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab, iyagoo qorsheynayay inay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee isticmaalaya wadada Alungu-Elwak ee Mandheera ku taalla.

Warbixinta booliiska ayaa intaas ku dartay in kooxdan ay isu diyaarineysay iney qaraxyo Miino ku aasaan wadada si loo dhibaateeyo ciidanka iyo shacabka wadadaa adeegsada.

Intii uu howlgalka socday, waxaa dhacay iska horimaad xooggan, waxaana halkaas lagu dilay labo ka tirsan Shabaab, halka kuwo kale dhaawacyo culus soo gaareen kahor intii aysan u baxsan kaymaha ku dhow goobta, iyadoo ay ciidanku si dhow u daba joogeen.

Ciidamada howlgalkan fuliyay waxay gacanta ku dhigeen labo qori oo AK-47 ah, madaxa gantaalaha RPG, iyo miino dhameystiran (IED).

Qiimeyn hordhac ah ayaa muujisay in howlgalkaasi uu ka hortagay weerar ballaaran oo la qorsheynayay in lagu beegsado gaadiidka shacabka ee ku socdaalaya aaggaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More