Israel oo Wasiirada Carabta u diiday iney galaan magaalada Gaza

Jun 01(Jowhar) Israel ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr wasiir arrimo dibadeed oo Carbeed ka mamnuucday in ay galaan Daanta Galbeed ee la haysto oo ay shir ku lahaayeen magaalada Ramallah.

Diblumaasiyiin sarsare oo ka socda Sacuudiga, Urdun, Masar, Qatar, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa inay Axadda maanta ah la kulmaan Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan ah, maaddaama ay xustay in madaxweynaha Falastiin uu qorsheynayo inuu booqashadiisa u adeegsado soo nooleynta baaqyada ku aaddan abuuritaanka dowlad Falastiin.

Wadamada Carabta ayaa isku dayaya in ay xabad joojin ka dhex dhaliyaan Israel iyo Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More