Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay taliyaha NISA
Jun 01(Jowhar) Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale u magacaabay Mahad Maxamed Salaad inuu noqdo Taliyaha Hay adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Golaha wasiirada ayaa hada ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda amniga ee magacaabista taliye Mahad Salaad.
Mahad waxa uu xilka ka bedelayaa taliyihii uu hore xilkan ugy wareejiyay ee Cabdullaahi Sanbaloolshe oo lagu soo warramayo in xil kale ay dowladda siisay.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku ammaanay Mahad Maxamed Salaad doorkii uu horey ugu lahaa sugidda amniga iyo dib u habeynta hay’adda NISA xilligii uu xilkan hayay. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in magacaabista Mahad Salaad ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka iyo la dagaallanka khataraha ka imaanaya kooxaha argagixisada ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay taliyaha cusub in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isaga oo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay xoojinta laamaha amniga, gaar ahaan hay’adda NISA.
Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore, ayaa la filayaa in uu xil cusub ka qabto dowladda, wallow aan la shaacin xilka rasmiga ah ee loo magacaabi doono. Golaha Wasiirrada ayaa uga mahadceliyay shaqadii uu qabtay intii uu xilka hayay.
Ugu dambeyn, Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in uu si rasmi ah ula wareego xilka maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in ay dhacdo munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabto xarunta hay’adda NISA.