Ra’iisul wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti

Jun 01(Jowhar) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu ku tagayo casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxwaynaha Dalkaas.

Taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaaraha kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dalka Jabuuti, ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid yihiin;

Amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dalka iyo dadkaba.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti aani wanaagsaneyn maalmihii lasoo dhaafay, waana taa mida uu safarkan salka ku hayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More