Jowhar oo laga bilaabay diiwaan galinta cod bixiyayaasha
Jul 13 (Jowhar)-Magaalada Jowhar saakay waxaa looga dareeray diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee Golayaasha deegaanka.
Madaxweynaha Hirshabelle Guudlaawe, Mas’uuliyiinta maamulkaas iyo boqolaal dadweyne ayaa safaf ugu jira diiwaan gelinta uu bilaabay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran.
Kormeerayaal iyo howl wadeeno guddiga doorashooyinka ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa goobaha diiwaan galinta.
Diiwaan gelinta oo si habsami leh uga socota magaalada Jowhar ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya dhalinyaro, haween iyo waayeel, kuwaas oo muujinaya xiisaha ay u qabaan doorashada qof iyo cod. Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe, ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka faa’iidaystaan fursadda diiwaan gelinta si codkooda uga dhiibtaan doorashooyinka soo socda.
Inta lagu guda jiro hawsha diiwaan gelinta, ayaa la arkayay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo kormeeraya habsami u socodka howlaha, iyaga oo sidoo kale dadka u sharaxaya faaiidooyinka ay leedahay ka qeybgalka doorashada.
Dowladda Hirshabelle ayaa sheegtay in diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ay muhiim u tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah, taas oo lagu waday in ay si rasmi ah uga hirgasho deegaannada maamulkaas.
Ciidamada ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay amniga goobaha diiwaan gelinta, si loo hubiyo in hawshu ay u dhacdo si nabad ah, shacabka Jowhar ayaana muujiyay kalsooni iyo rajo cusub oo la xiriirta doorashooyinka deegaanka ee la filayo in ay dhawaan qabsoomaan.