Ra’iisul wasaare Xamze oo la kulmay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya

Jul 13 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada  amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xamze, ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More