Kenya oo Fiiso bilaash ka dhigtay dalalka Afrika marka laga reebo Somaliya iyo Libiya
Jul 13 (Jowhar)-Marka kaga reebo Soomaaliya, Kenya ayaa si rasmi ah u qaaday fiisaha dhammaan dalalka Afrika iyo inta badan waddamada Caribbean-ka. Qofka doonaya inuu galo Kenya hadda uma baahna ETA (ogolaansho elektaroonik ah) ama foom, kaliya waa inuu yimaado dalka.
Si lama filaan ah, Soomaaliya iyo Libya ayaa laga reebay dalalka ka faa’iideysanaya tallaabadan, inkasta oo Soomaaliya ay tahay dal daris la ah Kenya, ayna ka dhaxeeyaan xiriir ganacsi, dhaqaale iyo dano badan oo istiraatiiji ah.
Go’aankan ayaa dhaliyay su’aalo, iyadoo dad badan isweydiinayaan sababta Soomaaliya looga reebay.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa rumaysan in go’aanka Kenya uu la xiriiro arrimo amni iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda labada dal oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro ah.
Sidoo kale, waxaa jirta in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu marar badan xumaaday, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelatay go’aanka fiisaha laga qaaday dalalka kale ee Afrika.
Dowladda Kenya ilaa hadda si cad uma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee Soomaaliya looga reebay, balse warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in arrimaha la xiriira socdaalka, tahriibka iyo amniga ay door weyn ku leeyihiin arrintan.
Dhinaca kale, shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa muujiyay walaac, iyagoo sheegay in tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto isu socodka iyo ganacsiga labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay arrintan kala hadasho dhigeeda Kenya, iyadoo la rajeynayo in mustaqbalka dhow la gaari doono heshiis rasmi ah oo sahla isu socodka muwaadiniinta labada dal. Ilaa iyo waqtigaas, dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay booqdaan Kenya waa inay weli sii wataan hab-raacyadii hore ee fiisaha.