Sirdoonka Turkiga oo xabsiga dhigay nin kamid ah madaxda Basaasiinta MOSSAD

Sep 03 (Jowhar) Sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa qabtay nin lagu magacaabo Liridon Rexhepi oo u dhashay Kosovo, kaas oo loo aqoonsaday in uu ahaa madaxa Isku xirka dhaqaale siinta Basaasiinta MOSSAD ee gudaha Turkiga.

Dabagal lagu sameeyey, ka dib ciidanka Booliska ee Istanbul ayaa xiray, waxaana la aruuriyey dhammaan macluumaadkiisa, iyadoo jaajuusiinya uu lacagta siiyay ay sawiro iyo xog MOSSAD uga gudbiyeen bartilmaameedyo kale duwan oo loo diray gudaha Turkiga iyo dibadiisaba.

Ra’iisul wasaaraha Isra’il Netanyahu maamulkiisa ayaa maalmo kahor sheegay in ay dili doonaan madaxda kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee kusugan gudaha Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More