Wasiir Cabdisalaam oo la kulmay qaar ka mid wasiirada ka qeybgalaysa shirka Baqdaad

May 16 (Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ku sugan magaalada Baqdaad ayaa kulan doceedyo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Maanta, Wasiir Cabdisalaam waxa uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo sidoo kale taageerada labada dal ay u hayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, ayaa sidoo kale magaalada Baqdaad kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Dr. Shaye Mohsen Al-Zindani, oo ka qayb galay shirka Golaha Wasiirada Carabta.
Labada wasiir ayaa ka wadahadlay qodobbo ay kanid yihiin xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo yemen iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa barnaamijyada wax ku oolka ah ee saacidaya horumarka labada dal.

Kulammadani waxay ka tarjumayaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyada oo la sii amba-qaadayo wada-shaqeynta dhow ee ku saleysan danaha wadajirka ah ee gobolka iyo dunida Carabta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More