Madaxweyne Geelle oo weerarary Siyaasadda Imaaraatka Carabta ee Afrika
May 25 (Jowhar) Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaleeceeyay doorka Dowladda Imaaraatka Carabta (UAE) ee Geeska Afrika, isagoo ku tilmaamay inay si qoto dheer u wiiqeyso xasilloonida gobolka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib wareysi uu siiyay Radio Fance Internationale, halkaas oo uu si cad u muujiyay walaaca Jabuuti ee ku aaddan saameynta sii kordheysa ee Imaaraatka ee gobolka.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Imaaraatka uu si qarsoodi ah u adeegsado maalgeshiyo dhaqaale si uu u gaaro ujeeddooyin ciidan, taasoo khatar ku ah madax-bannaanida iyo xasilloonida dalalka Afrika.
Wuxuu si gaar ah u xusay in Jabuuti ay hore u diidday codsi rasmi ah oo uga yimid Imaaraatka, kaasoo ku saabsanaa in saldhig ciidan laga siiyo gudaha dalka Jabuuti.
Imaaraatka Carabta ayaa si weyn u ballaariyay saameyntiisa ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Suudaan. Imaaraatka ayaa Soomaaliya markii lajoogo taageera maamulada kasoo horjeeda Dawladda Federaalka ah taas oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya