Madaxweyne Xasan iyo Madasha Samata-bixinta oo shir uga furmay Villa Somaliya
Jul 03 (Jowhar) Waxaa mar kale goordhoweyd Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ka furmay shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Madasha Mucaaradka oo maanta oo Khamiis loo balansanaa.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in labada dhinac ay maanta ka doodayaan afartii qodob ee ay horay isugu raaceen, kuwaasoo kala ah Adkeynta Midnimada dalka, Hannaanka dib u eegista Dastuurka, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada iyo Hannaan Doorasho Toos ah oo heshiis lagu yahay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay iska soo saarayaan guddiyo ka wada xaajooda qodobadaas, mana cadda inta uu qaadan karo wada xaajoodkaas, waxaase la filayaa in haddii is faham laga gaaro doodda qodobadaas in wada hadalada sii socdaan.
Madasha Mucaaradka Samata-bixinta oo aan la xiriiray ayaa qaba inay rajeynayaan in wada hadalada ay noqdaan kuwo mira-dhal ah, haddii Villa Somalia aysan adkeyn mowqifyada qaar ay ka taagan tahay qodobada qaar.
Illaa hadda dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa isku waafaqsan in aanan dalka lagu celin doorashadii Dadbaneyd ee sanadkii 2022 oo ay caddeeyeen inay aheyd tii ugu xumeyd.