Shirkii Dowlada iyo Madasha Samatabixinta oo dib loo dhigey

Jul 03 (Jowhar)-War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay wadahadalkii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo galay wareegii labaad in dib loogu ballamay in la isugu soo laabto 20-ka Bishan Luulyo.

‘’Shirka oo ku qabsoomay jawi aad u wanaagsan ayaa falanqeyn dheer kadib, waxa ay isku waafaqeen in la isku soo laabto 20ka Luulyo, 2025, si loo sii ambaqaado arrimihii laga wadahadlay.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Ilo ku dhow dhow shirka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Madasha Samata Bixinta ayaa  xaqiijiyay in la isku mari waayay mid ka mid ah afartii qodob ee ajandaha ahaa kaas oo ahaa  cutubka afaraad ee wax ka bedelka Dastuurka in laga laabto oo sidii hore lagu celiyo,

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More