Buuq ka taagan Laascaanood iyo shirkii loo balansanaa oo aan wali furmin

Jul 10 (Jowhar)-Shirka Dhammaysirka Maamulka SSCKhaatumo oo maanta loo balansanaa ayaan weli furmin, iyada oo ay siyaasiyiinta mucaaridka ah oo ay hor-kacayaan musharrixiinta Madaxweynaha SSCKhaatumo ay sameeyeen is-hortaag hannaanka ay howsha u waddo Dowladda Soomaaliya.

Sida wararku tilmaamayaan, waxaa jirta waan-waan ay labada dhinac ka dhex wadaan waxgaradka deegaanka, si xal loo helo.

Dhinaca kale wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa iyana goordhow ka degey Laanscaanood, si ay u socod-siiyaan shirkaasi, waxa kale oo iyana laga dhur sugayaa isimmada SSCkhaatumo oo aan weli xaaladda ka hadlin.

Waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ciidamada ammaanka ee magaalada Laascaanood la geeyay ay heegan sare lagu jiro, si looga hortago isku dhacyo ka dhaca xarunta shirka. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya dib u dhaca ku yimid furitaanka shirka, iyaga oo sheegay in ay muhiim tahay in la gaaro heshiis la isku raacsan yahay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay faragelin ku sameyneyso hannaanka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, taas oo ay sheegeen in aan loo baahnayn, ayna rabaan in dadka deegaanka ay si xor ah uga tashadaan mustaqbalkooda.

Inkasta oo xaaladdu ay kacsan tahay, haddana waxaa jira rajo laga qabo in wada-hadallada socda ay miro-dhal noqdaan, isla markaana la helo hannaan hufan oo lagu dhameeyo khilaafaadka taagan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ergada Dowladda Federaalka ay kulammo gaar-gaar ah la leeyihiin dhammaan dhinacyada is haya, si la iskugu soo dhowaado.

Illaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay isimmada SSC-Khaatumo ama Dowladda Federaalka oo ku saabsan halka ay marayaan dadaallada lagu xalinayo muranka, balse la filayaa in saacadaha soo socda ay warbaahinta la hadli doonaan.

Waxaa la saadaalinayaa in maalmaha soo socda ay goโ€™aan muhiim ah laga gaari doono mustaqbalka maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo indhaha shacabka Soomaaliyeed ay kusii jeedaan Laascaanood iyo natiijada kasoo baxda shirkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More