Axmed Madoobe oo saaka u safray magaalada Nairobi

May 18 (Jowhar)Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyaha ayaa Nairobi kulamo kula qaadan doonno safiiro ree Galbeedka ah iyo xubno kamid ah dowladda Kenya oo uu kala hadli doono xaalada dalka iyo buuqa dhanka doorashada ee taagan.

Waxa uu sidoo kale qaabili doonno mas’uuliyiin hore dalka xilal uga soo qabtay iyo xildhibaano mucaaradsan hanaanka ay wax u maamulayaan Xasan iyo Xamze.

Warar kale ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Madoobe ay u badan tahay inuu Nairobi ugaga sii tilaabo Imaaraatka Carabta oo waayadan danbe aysan isku fiicneyn Villa Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More