Baarlamaanka oo ansixiyay guddiga doorashooyinka, xili buuq xooggan…….

Nov 27  ( Jowhar) Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Aaden Madoobe ayaa ku dhawaaqay in guddigii Doorashada ee xalay la magacaabay la ansixiyey lana dhaariyey, xili fadhiga oo dhan Firinbi xoogan ka dhex yeerayay oo ay jireen mudanayaal diidan.

“ANSAX WEEYE, CIDNA KAMA AAMUSIN” ayuu yiri gudoomiyaha golaha Shacabka.

Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, ayaa ah guddi Qaran oo mas’uul ka noqon doona maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka Soomaaliya iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ka kooban 18 xubnood.

Arrimaha doorooshiyinka khuseeya ayaa ka mid ahaa waxyaalaha salka u ah khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleeddada qaar

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More