Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay kulanka madaxweyne Xasan uu la qaadanayo mucaaradka

Screenshot

May 25 (Jowhar)Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya Cali Balcad oo maanta ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh, diyaar u yahay la kulmida madaxdii xukunka uga horeysay ugana dambeysay, uuna kala hadlayo arrimaha hortabinta leh ee siyaasadda iyo kala tashiga Madal Qaran.

“Madaxdii hore ee dalka soo xukuntay qeyb ayay ka yihiin gogosha uu Madaxweynuhu iclaamiyay.” Ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Bartamaha bisha soo socoto ee June ayey u badan tahay kulanka madaxweyne Xasan iyo mucaaradka, waxaana kasoo horeeyo kulan dhamaadka todobaadkan ay isugu imanayaan mucaaradka, kaasoo si weyn isha loogu hayo.

Madaxweyne Xassan Sh ayaa u sheegay maalmo kahor markii uu helay fariinta Aqalka Cad in uu la kulmayo dhammaan mucaaradka, balse nooca kulanka, sida daacad uga noqon karto dawladdu, wax laga hadlayo & halka lagu qabanayo ayaa ah doodaha ugu balaaran ee taagan, iyadoo isku dayga Villada loo arko kadhuumashada  cadaadiska caalamiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More