Ma cabsi laga qabo Mooshinno ayey u baaqanayaan kulamada baarlamaanka?

May 17(Jowhar)Waxaa maanta mar kale baaqday kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Fariin xalay loo diray mudanayaasha golaha shacabka ayaa loogu sheegay inuu fadhigii maanta baaqday, fariinta laguma xusin sababta baaqashada keentay.

Fadhiyada Golaha Shacabka Federaalka, ayaa galay xaalad hubanti la’aan ah, iyadoo madaxda sare ee dalka habeeno kahor ay Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka 1-aad ku wargaliyeen in lasameeyo farsamo ugu yaraan kulamada lagu baajiyo, ka dibna Fasax la galiyo si looga baaqsado Mooshino siyaasadeed.

Guuxa Mooshino ay wadaan xildhibaanada ayaa ciria galay, waxaana sii xoogeysanaya tirada mudanayaasha saluuga muujinaya, habeen kahor dood xildhibaano 50 kudhow ay kaha qeyb galeen hoteelka Jazeera ayaa ku muujiyeen muhiimada ay leedahay in xukuumada la eryo si dalka wax looga qabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More