Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay parking-ka diyaaradaha Garoonka Baraawe

May 17(Jowhar)Gaari NOAH ah ayaa qarax lagu soo xiray kaasoo uu lahaa mid kamid ah ganacsatada qaadka magaalada Baraawe waxana gaariga uu qarxay markii uu gaaray Parking-ka Garoonka Diyaaradaha degmada.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhintay 2 ruux halka 4 qofna ay dhaawac yihiin sida aan kasoo xiganay saraakiisha ka howl gala gudaha garoonka diyaaradaha Baraawe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawacyada la geeyay isbitaalka guud ee magaalada, halkaasoo xaaladooda caafimaad lagu baxnaaniyo.

Ciidamadda amaanka oo xirtay goobta qaraxa ayaa wado howlgalo baaritaana ah, waxeyna dadka u diideen iney u dhawaadaan garoonka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More