Madaxweyne Geelle oo weerarary Siyaasadda Imaaraatka Carabta ee Afrika

May 25(Jowhar) Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaleeceeyay doorka Dowladda Imaaraatka Carabta (UAE) ee Geeska Afrika, isagoo ku tilmaamay inay si qoto dheer u wiiqeyso xasilloonida gobolka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib wareysi uu siiyay Radio Fance Internationale, halkaas oo uu si cad u muujiyay walaaca Jabuuti ee ku aaddan saameynta sii kordheysa ee Imaaraatka ee gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Imaaraatka uu si qarsoodi ah u adeegsado maalgeshiyo dhaqaale si uu u gaaro ujeeddooyin ciidan, taasoo khatar ku ah madax-bannaanida iyo xasilloonida dalalka Afrika.

Wuxuu si gaar ah u xusay in Jabuuti ay hore u diidday codsi rasmi ah oo uga yimid Imaaraatka, kaasoo ku saabsanaa in saldhig ciidan laga siiyo gudaha dalka Jabuuti.

Imaaraatka Carabta ayaa si weyn u ballaariyay saameyntiisa ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Suudaan. Imaaraatka ayaa Soomaaliya markii lajoogo taageera maamulada kasoo horjeeda Dawladda Federaalka ah taas oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More