Mucaaradka ku shirsan Muqdisho oo iska dhex doortay Hoggaan KMG ah

May 31 (Jowhar) Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ee maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa doortay Hoggaan ka kooban Guddoomiye, Saddex Kuxigeen, Xoghaye iyo Afhayeen oo ah mid KMG ah.

Qaab dhismeedka Hoggaanka ayaa u dhigan hannaan awood qeybsi oo kale, inkastoo xubnaha Hoggaanka aanay ku jirin xubin Beesha Shanaad.

Waxaa la filayaa in goordhow ay soo saaraan War Murtiyeed ku saabsan xaalada dalka.

Qaabka loo dhisay Hoggaanka Madasha Mucaaradka ayaa u eg midda Xisbiga JSP ee ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo qaar Dowlad Goboleedyada ka mid ah oo hoggaankooda ka kooban yahay Guddoomiye, Afar Kuxigeen iyo Xoghaye oo la jaan-qaadaya hannaanka wax qeybsiga beelaha ee loo yaqaan 4.5

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More