Madaxweyne Trump oo sheegay iney dhawdahay xabad joojinta Qasa

May 31(Jowhar) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro Qasa ay aad u dhowdahay.

“Aad ayay ugu dhow yihiin inay xabbad-joojin gaaraan,” ayuu yiri Trump mar uu qabanayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Oval Office, isagoo intaa raaciyay, “Waanu idinla socodsiin doonnaa wixii kasoo kordha berri (Sabtida). Waxaan fursad u heysannaa gaaridda heshiis.” Ayuu yiri.

Mareykanka ayaa soo jeedinta heshiiska u gudbiyay Xamaas.

Soo jeedinta ayaa markii hore waxaa aqbalay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Xamaas ayaase dhankeeda sheegtay inay la tashi dhexdooda ah sameyneyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More