War-murtiyeed laga soo saaray shirkii mucaaradka ee magaalada Muqdisho

May 31(Jowhar) Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo looga dhawaaqay Hotel Jazeera ayaa goordhow soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaalada dalka, iyagoo ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka shaqeynayo kala irdheynta iyo talo isku kali-yeelka uu ku wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka, kuwaasoo ka soo billaawday shirarkii Carte iyo Mbaghati.

Sidoo kale waxay Madashu hoosta ka xariiqday in meel looga soo wada-jeesto dagaalka kooxaha argagexisada ah ee AS iyo Daac1sh, si buuxdana loogu garab istaago dowladda, si loo badbaadiyo jirtaanka qarannimo iyo dowladnimada ee dalkeenna, iyadoo dhanka kale lagula xisaabtamayo hoggaanka dowladda maamulka iyo istiraatiijiyad xumida dagaalka, dayaca iyo daryeel la’aanta geesiyada naftood hurayaalka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha degaannada kala duwan.

Waxaa kaloo Madashu walaac ka muujisay sharciyada maamul goboleedyada oo muddo xileedkooda dhammaaday, sida dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada. Waxaana ay tilmaameen Muddo kordhinta sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran ay  tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa muddo kordhin iyo xaqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More