Kuraastii ay ka geeriyoodeen Xildhibaano Khadiija Diiriye iyo Sey Sey oo la buuxiyay

May 31 (Jowhar) Maanta oo ay taariikhdu tahay 31’da bisha May 2025 waxaa xarunta baarlamaanka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib u buuxinta kuraasta ka bannaanaatay baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashada oo ay ka soo qeybgaleen xubno labada gole ee dowladda HSH, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble.

Ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 waxaa soo xaadirtay 101 ergo.  Doorashada waxay udhacday hab xasiloon waxaana guuleystay musharraxiinta kala ah :

1- Hop097 – Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod.

2- Hop098 – Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 Cod.

Natiijada kuraasta waxaa ku dhawaaqay Commissioner Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More